Hees: Hawlaha Adduunyada
Heestani waa heestii iigu horeysay ee aan isku dayo. Waxa la odhan karaa waa ereyadii ugu horeeyay ee maankayga ka soo baxa. Waxa ay ka waramaysaa Nolosha adduunyada iyo sida ay qofna uga farxiso qof kalena murugo, ciil iyo uurku-taalo ugu beerto. Ninba hawlihiisaa Ku haleelay meel oo Nin walbana halleeyoo Hoobaan mid joogoo Mashaqada hilmaamoo Haro wada gingiman iyo Togag haabanaayoo Hadhuub dhinac ka jaqayoo Hurda meel carfoon oo Hadh qabawna jiifoo Nolol Kaaba haystiyo Miday hagar bideenoo Hiifay waxa haleeloo Waayuhu hadheeyoo Hoogtada aduunyadu Haraatida ku reebtoo Hantaatuqo dareemoo Horey loogu tuuroo Hadimada dhadhamiyoo Hagihii naftiisiyo Aan haysan garab oo Heyhaata galayaba, Kolay waa hadhkaasoo Way hawlo badantee Allahayow halkii roon.