Hees: Fahmi Waayey
Waa hees gaaban oo aan kaga qayb qaatay silsilad suugaaneed Fa-ley ahayd oo waqtigaa socoday oo dadkii ku jirayna aan ka garanaayo Deeq Maxamed Geed-joog iyo Mukhtaar Maxamed Askar. Heestan waxa aan ku leeyahay "waar bal silsiladu waxa looga jeedo iyo halka ay ku socota ba garan waayaye i faham siiya. Indhawayd farshaxan iyo Farsamaynta heestiyo Ma furfurin tixihii oo Faalada adduunkaan Kaga fooganaayoo Hadduun baan fa'leydiyo Fiirsaday higaaddoo Faal iyo wax ay tahay Fajiduu nin sheegayba Fahmi waayey aniguye Fasalkaasi dheeraa ********** Fasaaxaadka samadiyo Fadaagiyo cirjiidhaha Faraacida dusheediyo Laxihii fogaa iyo Listan iyo faruur cirir Siduu falagu ila yahay Waabad kaba fogaateen, Fasiraadna waa dane Miyaan laysku faydayn? Fahmi waayey aniguye Fasalkaasi dheeraa!