Hees: Ciilkeedu Weynaa
Casar sii damaayiyo Cadceedoo godkeedii Ugu jirta caraaboo Falaadhaha casuuskii Dhulka caadka saaroo Carradaa aan joogo na Casaankii ku baahoo Calcalyada xareediyo Shimbiraha cidooduna Camireen hareeraha, Mar ay tahay cawayskii Naftoo camalo shawrtoo Ku casuuman faalloo Cidda ay lahaysiyo Cindigeedu maqanyoo Caynka dunidu ay tahay Cashar uga baxaayoo Cilmi falaga samadiyo Meerayaal cimlaaqiyo Caddaankii dagaariyo Naafkii caddaa iyo Cirirada agtoodiyo Cir-jiidhaha ordaayaa Sida ay u culusyiin Ay cajaayib galiyeen Waaga curashadiisiyo Daakiraadi culimadu Carqaladii ay gaysteen Ciilkeedu waynaa......! W/T: Mukhtaar Cabdiraxmaan (Keenadiid)