Posts

Showing posts from December, 2021

MAANSADII AFKU SIRAN EE ABWAAN HADRAAWI

  MAANSADII AFKU SIRAN EE ABWAAN HADRAAWI Maansadani waxay soo baxday 06/04/1997 – LONDON, Waxay ku tusaysaa Balaaqada iyo Qaninimada suugaanta Abwaanku heerka ay gaadhsiisan tahay F.G: Maansadu ma dhammaystirna, waxa aanan isku dayi doonnaa in aan soo dhamaystiro. Mahadsanid.      Bismillaahi oohow! Runtu aydin maahee Bal adeentideedii Oohow! Ka oohow!.   Dhulku waa ammaanee Abbaan-duulihiisow Adhi raacistiisii  Ma Orgaad ka tahay weli? Asaraarka maantii Ka il nugul habeenkii? Bogashada iddiisiyo Wax ka maqan asaaggii Nin ku helay il-duufkow Indha garashadeediyo Illowgeeda badan baa Gelin qudha intaadiyo Kugu baray er-erigee, Haddaad aammin-doon tahay Eedahaaga biiraa Aqal maaha laga galo Arrin lagugu leeyahay. Marba waxay aslaysaa Asal lagu xumeeyaa Asliddeeda mooyee, Arbacaa ka werisoo Waxay tidhi Isniintii Ku idlaatay xagashadu; "Il-baxnimadu waa yaab, Maanta iibsadeediyo Axaddeedu badanaa! Weli waa ayaantii L...

Halkan iyo Halkaaba: Hablo waa la xumeeyay

Halkan iyo Halkaaba: Hablo waa la xumeeyay. W/Q: Faysal Jaamac Geelle Waa Sannado hore oo tagay. xilliyo kala duwan oo kala dambeeyey laba dhacdo oo xanuunkooda iyo damqashadooda leh ayaa gobolka Bariga Afrika kaga habsaday laba hablood oo curdin iyo ubax ahaa oo isla gobolka u dhashay kuwaas oo beri dambe taariikhdii ay soo mareen ka qoray laba buug oo malab ka macaan marna dacar ka qadhaadh. Labada hablood midda hore waa Soomaaliyad ku dhalatay miyiga gaalkacayo, ta dambena waa suudaaniyad kasoo jeeda Nuubiyiinta dalkaas. Labadooduba si la mid ah sida ay noloshoodu meel uga wada bilaabmayso ayey dhacdadoodu meel ugu wada arooraysaa. Labadooda oo xiliyo kala duwan ku kala dhashay miyiga soomaaliya iyo suudaan ayaa hadana xiliyo kala gedisan sheekadoodu waxay inoo soo werinaysaa iyagoo carro edeg ka raadinaya nolol ka gedisan tii ay ka ordeen ama laga dayriyey. Rafaad ka dib marka ay saldhigasho isku hubsadaan ayey hadana baadidii ka maqnayd iyo reerahoodii gadaal usoo jalleecayaan oo ...

Maxaan u dhintay ma jacaylkii Negaad

 Maxaan u dhintay ma jacaylkii negaad W/Q: Cabdillaahi Cawed Cige Haddii aad sheekadan akhriyaysid waxa, boqolkiiba boqol, hubaal ah in aad nooshahay. Haa nooshahay, naftii kugu jirto oo aanad weli dhiman. Maya, su’aalaha aad doonayso in aan kaaga jawaabo kuu gelimaayo waxa aan se kaaga bilaabayaa markii Negaad iigu dambaysay iyo sidii arrin ahaa. I raac oo bal ila wadaag noloshaydii, badhaadhe iyo ba ka ay ahayd. Waxa se aan ku qabo dunidayda cusub iyo in aan idinka raystay iyo in kale waa sheeko aanan kuu furfurayn. *** I. Habeenkii amranaa Wakhti madasha arooska sidan looga soo buuxsamay ma aan ogayn, anigu kolkaan meesha soo galay cid badani ma joogin, lix miis baa la fadhiyay aniguna ka toddobaad oo barta caruuska iyo caruusadda loo goleeyay u dhow ayaan keligay iska fadhiistay. Waxa aan ahaa meyd soconaya, wadnahayga gariirka ka baxayay wuxuu ruxayay feedhahayga oo dhan, caguhu way i barareen, baabacooyinka dhidid baa hibitiqayay, afka waxa ka dhammaatay candhuuftii, in aan s...