Cumar Dhuule: Heesta ila heshii
Dad badan oo Cumar Dhuule (Cumar Mahdi, AHUN) heesihiisa dhagaystaa ma oga xaqiiqda ay heesihiisu ku fadhiyeen, khaasatan kaalinta ay kaga jireen noloshiisii qoysnimo. Ta ugu wayn ee la odhan karo tiir dhexaadka ay heesihiisu ku qotomeen waa dib u heshiisiinta qoyskiisa marka ay is qabtaan. Waa halka odayaal dhaqmeedka ka soo kala jeeda labada ruux ka arimiyaan. Kaba sii fogeeyoo ama haddii aynu si kale u dhigno; isaga, codkiisa iyo cuudkiisu waxa ay ka badbaadeen in la dhexdhexaadiyo isaga iyo xilihiisa. Waxa la sheegaa in cidda saddexayn jirtay xilihiisa marka ay is qardoofaan uu ahaa kamankiisa. Waxa ay furdaamiyeen qawlaysato badan oo aan dan ka lahayn jiritaanka qoyskiisa...belo idin gashay miyaynu ku habaarnaa? Heesta "haatan iyo dan, ila heshii" sida la soo wariyey waa midda ugu mudan in la xuso; iyada oo xaalku meel cakiran marayo na ka saartay saymaha iyo in qoyskiisu faro ciddidood kaga baxsado burbur aan la mahadin. Waxa la yidhi xaaskiisii Gacalo ayaa u dudday ...