Sheeko: Kala kicii Gurdumi
Qorshe aanad filanahayn, waqti aanad filanahayn, meel aanad filanahayn, oo kaaga imanaya cid aanad filanahayn, waxay sababaysaa inaad bixiso fal celin aan la filahayn, taas oo laga yaabo in ay bedelaan, saameyn balaadhanna ku yeelato hab-nololeedka aad u qoondaysay noloshaada iyo sidii ay u wajihi lahayd mustaqbalka soo socda, kana dhigi kara kalakicii gurdumi. Waxaa maskaxda kuso dhacaya tixo ay ka mid yihiin “falaadh lagugu soo tuurey iyo feedh nin kugu waaley, waxaanad filanahaynba way kaa fajiciyaan”. Adigoo xaaladaas kala-guurka ah ku jira, baaxaadeg iyo fekerna kuu dheeryahay oo la showraya cid aanad garanahayn, ayaad ku naxday maqlida canaan dusha kaaga dhacaysa oo dhegaha lagaaga ganaayo. Yaab iyo amankaag aanad filanahayn. Inkasta oo aanad awoodin inaad sare u eegto, hadana waxaad toos ula socotaa hadalada lagu leeyahay……… “maxaad qorshaha nolosheena kolba keligaa sida aad doonto uga yeelaysaa, maxaad go’aanada aynu si wada jir ah u wada gaadhno markasta aad uga dhigtaa waxba ...