Hees: Hawlaha Adduunyada

 Heestani waa heestii iigu horeysay ee aan isku dayo. Waxa la odhan karaa waa ereyadii ugu horeeyay ee maankayga ka soo baxa. Waxa ay ka waramaysaa Nolosha adduunyada iyo sida ay qofna uga farxiso qof kalena murugo, ciil iyo uurku-taalo ugu beerto.

Ninba hawlihiisaa

Ku haleelay meel oo

Nin walbana halleeyoo

Hoobaan mid joogoo

Mashaqada hilmaamoo

Haro wada gingiman iyo

Togag haabanaayoo

Hadhuub dhinac ka jaqayoo

Hurda meel carfoon oo

Hadh qabawna jiifoo

Nolol Kaaba haystiyo

Miday hagar bideenoo

Hiifay waxa haleeloo

Waayuhu hadheeyoo

Hoogtada aduunyadu

Haraatida ku reebtoo

Hantaatuqo dareemoo

Horey loogu tuuroo

Hadimada dhadhamiyoo

Hagihii naftiisiyo 

Aan haysan garab oo

Heyhaata galayaba,

Kolay waa hadhkaasoo

Way hawlo badantee

Allahayow halkii roon.

Comments

Popular posts from this blog

MAANSADII AFKU SIRAN EE ABWAAN HADRAAWI

Maxaan u dhintay ma jacaylkii Negaad