Hees: Fahmi Waayey

 Waa hees gaaban oo aan kaga qayb qaatay silsilad suugaaneed Fa-ley ahayd oo waqtigaa socoday oo dadkii ku jirayna aan ka garanaayo Deeq Maxamed Geed-joog iyo Mukhtaar Maxamed Askar. 

Heestan waxa aan ku leeyahay "waar bal silsiladu waxa looga jeedo iyo halka ay ku socota ba garan waayaye i faham siiya. 


Indhawayd farshaxan iyo 

Farsamaynta heestiyo

Ma furfurin tixihii oo

Faalada adduunkaan

Kaga fooganaayoo

Hadduun baan fa'leydiyo 

Fiirsaday higaaddoo

Faal iyo wax ay tahay 

Fajiduu nin sheegayba 

Fahmi waayey aniguye

Fasalkaasi dheeraa

        **********

Fasaaxaadka samadiyo

Fadaagiyo cirjiidhaha 

Faraacida dusheediyo

Laxihii fogaa iyo

Listan iyo faruur cirir

Siduu falagu ila yahay

Waabad kaba fogaateen,

Fasiraadna waa dane 

Miyaan laysku faydayn? 

Fahmi waayey aniguye

Fasalkaasi dheeraa!

Comments

Popular posts from this blog

Hees: Hawlaha Adduunyada

MAANSADII AFKU SIRAN EE ABWAAN HADRAAWI

Maxaan u dhintay ma jacaylkii Negaad