Hees: Ciilkeedu Weynaa
Casar sii damaayiyo
Cadceedoo godkeedii
Ugu jirta caraaboo
Falaadhaha casuuskii
Dhulka caadka saaroo
Carradaa aan joogo na
Casaankii ku baahoo
Calcalyada xareediyo
Shimbiraha cidooduna
Camireen hareeraha,
Mar ay tahay cawayskii
Naftoo camalo shawrtoo
Ku casuuman faalloo
Cidda ay lahaysiyo
Cindigeedu maqanyoo
Caynka dunidu ay tahay
Cashar uga baxaayoo
Cilmi falaga samadiyo
Meerayaal cimlaaqiyo
Caddaankii dagaariyo
Naafkii caddaa iyo
Cirirada agtoodiyo
Cir-jiidhaha ordaayaa
Sida ay u culusyiin
Ay cajaayib galiyeen
Waaga curashadiisiyo
Daakiraadi culimadu
Carqaladii ay gaysteen
Ciilkeedu waynaa......!
W/T: Mukhtaar Cabdiraxmaan (Keenadiid)
Comments
Post a Comment