Sheeko: Kala kicii Gurdumi


Qorshe aanad filanahayn, waqti aanad filanahayn, meel aanad filanahayn, oo kaaga imanaya cid aanad filanahayn, waxay sababaysaa inaad bixiso fal celin aan la filahayn, taas oo laga yaabo in ay bedelaan, saameyn balaadhanna ku yeelato hab-nololeedka aad u qoondaysay noloshaada iyo sidii ay u wajihi lahayd mustaqbalka soo socda, kana dhigi kara kalakicii gurdumi. Waxaa maskaxda kuso dhacaya tixo ay ka mid yihiin “falaadh lagugu soo tuurey iyo feedh nin kugu waaley, waxaanad filanahaynba way kaa fajiciyaan”.


Adigoo xaaladaas kala-guurka ah ku jira, baaxaadeg iyo fekerna kuu dheeryahay oo la showraya cid aanad garanahayn, ayaad ku naxday maqlida canaan dusha kaaga dhacaysa oo dhegaha lagaaga ganaayo. Yaab iyo amankaag aanad filanahayn. Inkasta oo aanad awoodin inaad sare u eegto, hadana waxaad toos ula socotaa hadalada lagu leeyahay……… “maxaad qorshaha nolosheena kolba keligaa sida aad doonto uga yeelaysaa, maxaad go’aanada aynu si wada jir ah u wada gaadhno markasta aad uga dhigtaa waxba kama jiraan, maxaa ballamaha aynu wada galnay aad uga baxaysaa, maxaa axdigii ahaa in aan labadeena mooyee shay saddexaad aanu nolosheena saamayn ku yeelan aad u burburisay, miyaynaan isku meel u wada jeedin, miyaynaan nolosha dhan ka wada taagneyn, miyaynaan……, miyaynaan…… miyaynaan”.


Illeen tallo iskuma kaa sheegto, waadiga halkan madaxa foorariyay oo sidii nin balwadi jiidatay oo dayacay ciddii uu masuulka ahaa oo inta uu saqdhexe soo hoyday oo degdeg caruurtii u dhex jiifsaday, xaaskiisiina isla markiiba canaan la kortay, inta aad meel halkeera hogatay, oo is gamaarisay, aamusnaana ku dartay. Ileen geed la qabsadaana!!!.


Nin ragga waatii garawshiyo lagu ogaa. Waa gar in sidaa la yeelo sababtoo ah qalad ayaad samaysay. Arrin aad labadinu si wada jir ah u lafo gurteen oo ku saabsanaa qorshaha nolosha aad ku wajihi doontaan sannadaha soo socda oo qalinkana ugu wada duugteen ayaad hala-haleel iyo tashi la’aan uga dhigtay biyo sare tegay waa la sugayaa, mid kale oo aad adigu soo diyaarisay laakiin ay iyadu ka biyo diidayna si dhiiranaani ku jirto ayaad u ansixisay. Qaar kale oo aad isla eegteen oo markii aad qodob-qodob tooshka ugu dul qabaynayseen kuula muuqday inay wacan yihiin horumarna lagu gaadhi karo, markii aad gooni ula baxday waad ka maagtey halkaasna waad ku hakisay ilaa maanta markaad isla soo qaadaana waad meeraysataa. Waxyaabahaas oo is huwan ayaad samaysay, hase ahaatee mid walba markii aad samaynaysay waxay kuula muuqdeen qumanaan, imakna way kula quman yihiin.


Belo ku dishay, horta ma keligeed ayaa wax tabanaysa? miyaanad adiguba intaas dhibaato ku qabin? ma keligaa ayaa markasta qaldama misana raali geliya? Waadiga halkan is ciil kaambiyay, iyadoo cadho kaa tan badatayna hadalkii bilaabatay…… “maxaad qaladkayga uun u aragtaa? Hadiiba la qaldamo maxaad ii waydiin wayday sababta keenaysa? Waad ogtahay in aanan meel kale wax u wadin, una xaglinayan cid aad is haysaan, oo mar walba aan danaheena u sameeyo xagaaga habaka qaldanaatee”.


Waa hagaag. Se hadaad sidaas garatay adigu waa nasiibkaa, alle ayaa iskeen baday. Laakiin imisa jeer ayaad dab aanad ogayn saamayntiisa qalbiga ku shiday misana ku daawatay oo waxba lagaa waydiin, imisa jeer ayaad walaac igu aburtay oo hurdo ladi waayay, imisa jeer ayaan dano badan oo aan lahaa adiga daraadaa u baajiyay si aan adiga kuugu raali galiyo, waxaas iyo qaar kaleba oo aan sameeyay kuuma muuqdaan. Belo ku dishay miyaan ku yidhaahdaa.


Imika iyo haatanse, maxaad aniga ii waalaysaa oo kolba iigu laba boglaynaysaa, maxaad marwalba oo aan wanaaga kaala hadlo gafuurka iigu taagtaa, maxaad marka aan aakhiro ku xasuusiyo iyo siday wax noqon doonaan oo dikriga iyo alle ka cabsiga kugu qaboojiyo, aad adigu xumaanta iyo meelaha aan loo baahneyn ee nolosheena meelba kaso galayn iigu riixda, maxaad samaha u nacdaa, maxaad khiyaaliga iyo mala-awaalka iigu sawirtaa, maxaad………, maxaad……. maxaad…….


Anigu wanaagaaga ayaan jeclahay, xumaan igama aha ee inaad toosnaato waa dheefteena, waa arinka dunida laynoo keenay, danteenuna way ku jirta sababtoo ah:

1. Waqtigaan sidaa u abuurmay ilaa maanta, marka laga reebo afartankii habeen ee ugu horeeyay, waynu wada nooleen waanad igu dhex noolayd.

2.  Waqtiga intaa le’eg dhib iyo deefba wixii inala kulmay goobjoog ayaad u ahayd.

3. Waqti intii inoo hadhay ee Eebbe inoo qorayna waynu wada joogi insha allaah, isku waqtina waynu ka wada tegi tan, isku meelna waynu wada tegi, aakhirana isku meel waa layna wada geyn insha allaah inakoo janno rajaynayna.


Bal niyayso heeskan oo la moodo inuu sidayda kuula hadlayo, hayeeshee anigu seetada kuu dheerayn maayo oo sida heeska ka muuqata ku odhan maayo “sidaad doonto u soco waan kaa quustee”:

Nafyahay wadaadiyo

Weligii la sheegaba

Waydiiyay cudurkani

Ku walaacinaayee,

Wacdaraha aduunyada 

Warmo kaaga celiyaa,

Waayahay ku daayee

Wadadeed maraysaa?.


Aniga iyo nafta ayaa is haysanee hanaloo dulqaato………… waad mahadsantihiin.


W/Q: Mukhtar Abdirahman Moh'oud (Keenadiid)

Email: Keenadiid4133@gmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Hees: Hawlaha Adduunyada

MAANSADII AFKU SIRAN EE ABWAAN HADRAAWI

Maxaan u dhintay ma jacaylkii Negaad