Dad badan oo Cumar Dhuule (Cumar Mahdi, AHUN) heesihiisa dhagaystaa ma oga xaqiiqda ay heesihiisu ku fadhiyeen, khaasatan kaalinta ay kaga jireen noloshiisii qoysnimo.
Ta ugu wayn ee la odhan karo tiir dhexaadka ay heesihiisu ku qotomeen waa dib u heshiisiinta qoyskiisa marka ay is qabtaan. Waa halka odayaal dhaqmeedka ka soo kala jeeda labada ruux ka arimiyaan. Kaba sii fogeeyoo ama haddii aynu si kale u dhigno; isaga, codkiisa iyo cuudkiisu waxa ay ka badbaadeen in la dhexdhexaadiyo isaga iyo xilihiisa. Waxa la sheegaa in cidda saddexayn jirtay xilihiisa marka ay is qardoofaan uu ahaa kamankiisa. Waxa ay furdaamiyeen qawlaysato badan oo aan dan ka lahayn jiritaanka qoyskiisa...belo idin gashay miyaynu ku habaarnaa?
Heesta "haatan iyo dan, ila heshii" sida la soo wariyey waa midda ugu mudan in la xuso; iyada oo xaalku meel cakiran marayo na ka saartay saymaha iyo in qoyskiisu faro ciddidood kaga baxsado burbur aan la mahadin.
Waxa la yidhi xaaskiisii Gacalo ayaa u dudday guriga Cumar abtigii. Dudmadii ka dib, Cumar gurigii abtigii u baqool, abtigiina waxa uu hadal cad ku yidhi: "Cumarow waxa aad samaysayba samaysee, guriga ii dhaaf", Gacalo na markii ay maqashay hadalladii la is dhaafsanayay, halkii ayay cadhadii haysay afka sii buurtay.
Cumar waxa uu ku yidhi abtigii "abti i daa, aanu waxoogaa yara wada hadalnee wax dhibaato ah geysan maayee; aniga, kamankeyga iyo Gacaladayda isku kaayo yara daa"
Codsiga qudha ee uu maalinkaa dalbaday waxa uu ahaa in loo kala baxo isaga, xaaskiisa iyo cuudkiisa.
Cumar inta qolkii ay ku jirtay ugu galay iyadoo sariir ku dul fadhida ayaa inta uu kamankiisii si hagar la'aan ah u tumay heestan "ila heshii" qaaday, kadibna iyadoo la wada ooyayo halkii la iska raac, odaygiina la yaab sida ay isu bedeshay xaajadii. Allow maalin ma ahayd.
Heesta waxa ay midhaheedu yihiin sidan soo socota:
Hadalkii duulaan khadar haleeline
Ha hiigsan maanta wixii horeetee
Ee haatan iyo dan naa ila heshii
Hadal macaaneey hannaan wanaageey
Ila heshii oo ila heshii
Ruuxii habboon baa mar uun hallaaboo
Duni hagaagsan la heli maayee
Ee haatan iyo dan naa ila heshii
Hadal macaaneey hannaan wanaageey
Ila heshii oo ila heshii
Adigoon i hiifin ina huruufin
U hubso maanta dhibtan i haysoo
Ee haatan iyo dan naa ila heshii
Hadal macaaneey hannaan wanaageey
Ila heshii oo ila heshii
Waxaa hubaala oonad huraynin
Haddii aad nabadda hog dheer ku tuurto
Nafsi habeen dhaxay inaad helaysee
Ee haatan iyo dan naa ila heshii
Hadal macaaneey hannaan wanaageey
Ila heshii oo ila heshii
Hohiyo caku, hadhka adduunkaa
Anigoo hagaagsan ii kaa hanuunshee
Ee haatan iyo dan naa ila heshii
Hadal macaaneey hannaan wanaageey
Ila heshii oo ila heshii
Haween dhamnaantood u hub wanaageey
Haba yaraatee waan kaa helaayee
Ee haatan iyo dan naa ila heshii
Hadal macaaneey hannaan wanageey
Ila heshii oo ila heshii.
Lingaxan hoose guji si aad u dhegaysato. Mahadsanid.
(https://youtu.be/vWdS9iDpo2w)
Nabadeey.
W/Q: Mukhtaar Cabdiraxmaan (Keenadiid)
Comments
Post a Comment