MAANSADII AFKU SIRAN EE ABWAAN HADRAAWI

 MAANSADII AFKU SIRAN EE ABWAAN HADRAAWI


Maansadani waxay soo baxday 06/04/1997 – LONDON, Waxay ku tusaysaa Balaaqada iyo Qaninimada suugaanta Abwaanku heerka ay gaadhsiisan tahay


F.G: Maansadu ma dhammaystirna, waxa aanan isku dayi doonnaa in aan soo dhamaystiro. Mahadsanid. 


 


 


Bismillaahi oohow!

Runtu aydin maahee

Bal adeentideedii

Oohow! Ka oohow!.


 


Dhulku waa ammaanee

Abbaan-duulihiisow

Adhi raacistiisii 

Ma Orgaad ka tahay weli?

Asaraarka maantii

Ka il nugul habeenkii?


Bogashada iddiisiyo

Wax ka maqan asaaggii

Nin ku helay il-duufkow

Indha garashadeediyo

Illowgeeda badan baa

Gelin qudha intaadiyo

Kugu baray er-erigee,

Haddaad aammin-doon tahay

Eedahaaga biiraa

Aqal maaha laga galo

Arrin lagugu leeyahay.


Marba waxay aslaysaa

Asal lagu xumeeyaa

Asliddeeda mooyee,

Arbacaa ka werisoo

Waxay tidhi Isniintii

Ku idlaatay xagashadu;

"Il-baxnimadu waa yaab,

Maanta iibsadeediyo

Axaddeedu badanaa!

Weli waa ayaantii

Lagu cunay ayaankee

Immisaa ka hadhay tolow

Berritiyo amaahdii

Lagu qoray albaabada?"


Afo waa ninkeediyo

Arbe dheelli tiri kara,

Aarna waa dhiggiisiyo

Oori laysku dherersado,

Aragtida midaysiyo

Dadna urur ku qaan gaadh.


Wacashada Ibleyskaa

Indha-beelka sidatee

Dhulka obolos baa shilay,

Waxa lagu agaasimey

Asaroorintiisoo

Erayada tix-gelintiyo

Ummadaynta ficilkiyo

Innagaa ka madhatoo

Alabbada fal-tuuggiyo

Magacyada Ukulidiyo

Hadba inan qolaystiyo

Anigaa ku badatoo

Asma lagu xabaaliyo

Werwer bay ku aaseen.


Dhal Aboodi weeyoo

Intatabo ma weydee

Adhaxday ka jiiftaa

Addinkay ka tahay maya

Illinkaa fal kaga jabay

Cabsi bay ku oodeen.


Waa adduunyo teedii

Ifafaalayaashii

Aammanuun ka soo yiil.


Waa iliilaheedii

Agankiyo lurkeedii,

Waa Aroosanteedii

Indhal-furashadeedii.

Marna Ayro-jookhiyo

Ula-dhabanta soofkiyo

Amba-qaadka jaantaa

Kasha lulan ilaysoo

Tabashada ob-siisoo

Ha ekaatadeedaa

Af-yaqaanku seesaa.


Marna waxay ku ururtaa

Agagaarka calalkiyo

Raqda eegideediyo

Ubbadeeda dacarta ah,

Ajo-weerarkeedaa

Arammidu qunbacataa.


Marka lagu akeekimo

Marka lagu ormeeyee

Falan lagu af-duubee

Marba eel ku gororee

Hirashadu asqowdee

Ulashadu hungowdee

Asalkeedu guuree

Ambisadu xidh-xidhatee

Babbisadu ku orisee

Is ahaanta kelinnimo

Dadku wada ishaartee

Odeygeedu waashee

Ina belo ka taliyee

Lagu amarro-qooqee

La ilaahyo sheegtaa

La awoodo beenshaa.


Marka laga dul ooyee

Asaydeedu badatee

Alwadkiyo hayaaydiyo

Kolba aah! ku firidhaa

Axdigeeda nabadeed

Lagu aammusiiyaa,

Bixisada ku oloshiyo

Agaraa-damteedaa

Ifisadu ka beridaa.


Waa ammuuraheedii

Ardal loo qab-qaban jirey.

Waa astaamaheedii

Marka laga inaabsado

Shimbirkeedu iman jirey.

Waa awaaleheedii

Allaheedu furan jirey.

Runta lagu asturi jirey.


Waa Arooryadeedii

Al-aloosku dhalan jirey.

Waa Islaaminteedii

Marka aadun laga dhigo.

Waa abaabulkeedii

Askarteeda lagu yidhi;

"Xadhko harag Abeesiyo

Urta bahalka hoosiyo

Abur beena lagu dedey

Usha ba'an ku sii daa"

Waa ummuuraheedii

Imtixaanku saarnaa.

Waa abraaraheedii

Lagu kala astaysnaa.

Waa ardaa-dhiggeedii

Ninka aabo xidhatiyo

Xasan Guure odhan jirey;

"Mar hadday or'orod tahay

Ragannimo abkeedaa

Lagu iil-bannaystaa"


Xil adduunyo waa qool

Labadeeda aadka ah

Waxa laysku aadshaa

Marka labada aadka ah

Midba dhinac ku aad yahay

Laba dhinac ku aadaan.


Orrob lagu bariistiyo

Marka eexo-dirashada

Lagu gabo arbeebbiga

Af-ku-siran cad loo rogo

Ereyguna ku madi yahay

Alleylehe nin baa yidhi;

"Arartaa gun noqotoo

Kuma aaddo hawshay

Dadku odhan lahaayeen

Alle mahaddi weeyaan"


Dadka oof dalooshiyo

Ammin baa sugaysoo

Waa ayaamo jiratee,

Orka Gabay nin sugayow

Irbad baa wax humisee

Wax ku soo dar aammiin.

Anda-qaadka hubantidu

Qofba wuxu ishaartiyo

Idan lagu cawaystiyo

Ha ahaato maahoo

Ficil baa ansixiyee

Imminkaba garaadow!

Arrimaha dad lagu yahay

Ha ku xadin Allow sahal.


Naftu weyska oydaa

Marka aammuskeedii

Cunto loogu iibshoo,

Waxay eersi badataa

Markay iimo badatoo

Fadhigaa arradiyoo

Baryadaa awaadhee,

Haddaan aano loo haeyn

Anafada masayrka ah

Cidi kuma irdheysoo,

Kol hadday asturan tahay

Cidi kama adkaatee,

Halka aayaheediyo

Awaydeedu yaalliin

Alamtara fogaatiyo

Abataqan ha kaga dhigin


Isirada gobtoodiyo

Agabaynta liileed

Unkiddii falsamidiyo

Abyantii dalaysnayd

Comments

Popular posts from this blog

Hees: Hawlaha Adduunyada

Maxaan u dhintay ma jacaylkii Negaad