Maxaan u dhintay ma jacaylkii Negaad

 Maxaan u dhintay ma jacaylkii negaad

W/Q: Cabdillaahi Cawed Cige


Haddii aad sheekadan akhriyaysid waxa, boqolkiiba boqol, hubaal ah in aad nooshahay. Haa nooshahay, naftii kugu jirto oo aanad weli dhiman.

Maya, su’aalaha aad doonayso in aan kaaga jawaabo kuu gelimaayo waxa aan se kaaga bilaabayaa markii Negaad iigu dambaysay iyo sidii arrin ahaa. I raac oo bal ila wadaag noloshaydii, badhaadhe iyo ba ka ay ahayd. Waxa se aan ku qabo dunidayda cusub iyo in aan idinka raystay iyo in kale waa sheeko aanan kuu furfurayn.

***

I. Habeenkii amranaa

Wakhti madasha arooska sidan looga soo buuxsamay ma aan ogayn, anigu kolkaan meesha soo galay cid badani ma joogin, lix miis baa la fadhiyay aniguna ka toddobaad oo barta caruuska iyo caruusadda loo goleeyay u dhow ayaan keligay iska fadhiistay. Waxa aan ahaa meyd soconaya, wadnahayga gariirka ka baxayay wuxuu ruxayay feedhahayga oo dhan, caguhu way i barareen, baabacooyinka dhidid baa hibitiqayay, afka waxa ka dhammaatay candhuuftii, in aan suuxo ayaan miridh kasta ka cabsi qabay. Cadaadis iyo culays aan ka baqayay inay i dilaan ayaa igu yuururay, in aan dhinto ma aan jeclayn, dunida waxba kama aan qabsan, xoolo igu filan ma dhaqan, daaro badan ma lahayn, waxaas oo dhan waxa iiga sii darraa inantii qalbigayga ruxday ee noloshaydu daraaddeed u marmaroorsantay in aan ka dhinto oo iyada oo aan HAA i odhan ka dhaqaaqo ma jeclayn, maxaa se dhacay?

Waxa aan sii xusuustaa caruuskii iyo caruusaddii oo kadinka ka soo gelaya. Waxa aan sii xusuustaa dadkii oo isla sarakacay oo dhammaantood oogsaday. Waxa aan sii xusuustaa sacab iyo mashxarad. Waxa aan sii xusuustaa hees ay dumarku qaadayeen “Inanta soo gelbiyaay”. Waxa aan sii xusuustaa nin miyuusig qaylo dheer oo aan ku dhegobarjoobay loo tumayay oo ku heesayay: “Labadii hodmee, hoy wada galee, hoodo leh noqdoo, hibo iyo ducoba, naga hooya’eey”

Waxaan kale oo sii xusuustaa caruuskii iyo Negaad oo gacanta is haysta oo dhankii ay fadhiisan lahaayeen, oo miiska aan fadhiyay barbarkiisa ahayd, usoo socda. Waxa aan xusuustaa farxadda iyo raynraynta Negaad wejigeeda ku qornaa, waxa aan xusuustaa lebbiska ay gashanayd, laabteeda nuurka leh ee aan toobku daboolin ee sidii aan weligay ku ogaa u dhalaalaysa, sida habsamida leh ee timaheeda kor loogu dhisay, sida ay tallaabada taxaddirka leh u soo qaadaysay.

Tabtii aan weligay niyaddayda ku hayn jiray in aan u horgalo, ugu debecsanaado, ugu nabnaado, uga dhinac qoslo ayuu habeenkaas caruusku ku ahaa Negaad. Anigii uun buu i metelayay miyuu se i metelayay mise wuu i dhacay? Miyuu i dhacay mise way iga jeclaatay oo aniga i nacday? Miyay runtii i nacday?

Waxa aan xusuustaa iyaga oo igu soo dhowaaday. Negaad waxa wejigeeda ku dhejisnaa qosol aan go’ayn, miyay farxad qoslaysay miyay naxdin qoslaysay oo madasha, xafladda iyo macsharkan isu soo baxay ayay ka qajilaysay? Ma hubo, fursad aan ku sii weydiiyoba uma helin. Sidii ay usoo qoslaysay ayuun baa mar qudha indhahayagii isku dhaceen. Mar keli ah ayuun bay qosolkii goysay oo indho murugo leh igu eegtay. Farxad aan hore iigu jirin baa i gashay. Sababta murugada indhaha Negaad ka muuqataa ii farxad gelisay bal adba ii sheeg. Qosol dirqi ah ayaan la dhoollacaddeeyay. Sidii laba ruux oo sheeko ka dhexayso oo isu hamuun qaba, haddana kala gabbanaya ayaannu isugu dhaygagnay.

Caruuskii oo Negaad gacanteeda bidix ka laalaada ayaa ku war helay sida aannu labadayadu isugu maqannahay, indho cadho ka muuqato oo aad u kulul ayuu igu gubay. Waxa aan ugu jawaabay cadho tii la mid ah. Negaad waxa ay ka warheshay sida wejigaygii isu beddelay, waxay ku jeesatay jacaylkeedii cusbaa oo wax aanan maqlayn ku tidhi, qosol aad u dheer oo xitaa dadkii soo dhoweynayay qaarkood ka yaabeen ayay caruusaddii iyo caruuskii isku dareen oo intay dhankaygii soo wada eegeen aad isugu sii dhegeen. Wadnahaygii ayaa garaacii kordhiyay, hiinraag badan ayaan ku waashay, naqaskii baa dirqi igu noqday, indhihii baa caad khafiif ahi hormaray, dadkii oo dhan ayaa hiimsehiimse iigu muuqday.

Waxa aan xusuustaa qof dumar ah oo maro cad xidhan oo tafta haysata oo dhankayga usoo ordaysa. Waxa aan xusuustaa iyada oo i dul timi oo dibnaha dhaqdhaqaajinaysa. Waxa aan xusuustaa dhawr qof oo kale oo ku soo biiray. Magacayga wax u eg oo afkeeda ka soo baxay ayaan xusuustaa, ilmadii indhaheeda ka soo daadatay oo dhawr dhibcood ishayda midig toos ugu dhaceen ayaan sii xusuustaa. Tolow ma adiga ayay kuu ilmaynaysaa? Ma arooskeeda aad ka qashqashi doonto ayay ka murugoonaysaa oo ka ilmaysiiyay? Aniga oo faallooyin noocaas ah isku haya ayaa iigu dambaysay.

Dabadeed waxa igu soo rogmay daah madow, fugfugtii wadnaha ee aan maqlayay, neefsashadaydii ii baxaysay iyo macnihii nolosha oo dhan ayaa mar iga wada hulleelay. Waxa i helay, sababta aan u uga tegay arooska iyo faallada reer adduun arrimahaas ka dhiibteen mooyi, adiga akhristaha ah baa iiga war roon. Waxa se aan ku siinayaa wixii i dhibay ee dhafoorkayga ku yaallay habeenkaas aroosku ahaa ka hor.

***

II. Barasho wanaagsan

Negaad waxa aannu markii ugu horraysay kulannay saddex iyo toban sannadood ka hor habeenka arooskeedu dhacay. Waxa aan degganaa magaalada Manjistar ee waqooyi galbeed, Iglan, oo aan shaqo ka hayay. Waxa ay ku soo biirtay reerkooda oo aannu asxaab wanaagsan ahayn. Maalintii koowaad ee aan Negaad arko waan ka baqay, waxa muran xumi dhexmarayay walaasheed oo dhawr sannadood ka weyn, sida ay isu qalqalloocinaysay iyo sida ay sanka lahayd cawaandiyad inay tahay baan moodayay. Kollay iyaduna qof uun ay reerkooda isyaqaanniin in aan ahay inay ka soo qaadday baan u qaatay. Sannad iyo badh waxa aannu dushaas ka ahayn dad isyaqaan uun.

Berigii dambe ayay iyana shaqo heshay, waxa ay iibsatay baabuur. Anigu baabuurta sida loo kexeeyo ma aan aqoon, iyadu se intii ay Manjistar joogtay ayay baratay.

Maalin aniga oo shaqada jooga ayay telefoon iisoo dirtay: “Goorma ayaad galabta rawaxaysaa?” ayay igu yidhi.

“Shanta iyo badhka” ayaan ku idhi.

“Waan ku soo marayaa, waxa aan doonayaa in aad dukaan suuqa ah wax igala soo iibiso” ayay igu tidhi. “Waa hagaag” ayaan ku idhi. Shantii iyo badhkii ayay xafiiskaygii isa soo hor taagtay oo igu wargelisay inay i sugayso. Si aan caadi ahayn ayaan u degdegay. Dukaanka iyo waxa inantu uga baahan tahay midna ma ogayn, in aan sii raaco in aan u jeel qabo ayuun baan dareemay. Waa markii iigu horraysay ee aan isku arko dareen Negaad ii gala.

Waxa aan ugu imi baabuurkii, inta aan iska furay albaabkii ayaan dalaq idhi, judhiiba waxa indhahaygu toos ugu dhaceen laabteeda oo ay in ka mid ah si ogaan ah u bannaysay, cabbaar baan aniga oo aan is ogayn indhaha ku habsaamiyay.

“Haye, iska warran?” ayay igu bariidisay.

“Waan wanaagsanahay, adiguna?”

“Good, I am good” ayay af Ingiriisi iigu warcelisay.

Kaftan kooban oo kor ka xaadis ah annaga oo isku tuurtuurayna ayaannu meeshii ka dhaqaaqnay. Dukaankii ay ka soo muraadsanaysay ayay ila gashay oo hal cabbaar ah ku dhexjirtay. Markay danaheedii soo dhammaysatay ayaannu baabuurkii dib ugu soo noqonnay.

Iyada oo aan ii sheegin ayay meel cuntada lagu iibiyo digaag la shiilay oo basbaas miidhan ah nooga soo qabatay. Intay dhabtayda si kaftan ah alaabadii ay soo iibisay ugu soo lalisay ayay baabuurkii istaadhay oo laamiga afka u saartay. Waxa aannu tagnay beer meel taag ah, oo aad magaalada oo dhan dusha ka arkayso, ku taalla oo dadku fiidkii ku caweeyo. Baabuur door ah oo rag iyo dumar, dar malaha isqaba, dar asxaab ah, iyo dar is shukaansanayaa ku dhex jiraan ayaa goobta tubnaa.

Meel laba baabuur u dhexaysa ayay Negaad gaadhigii qotomisay oo intay muraayaddii daaqadda inyar hoos u dejisay:

“Do you mind?” Miyaad wax ka qabtaa af qalaad igu tidhi.

“Not at all” ayaan ku jawaabay aniga oo is leh labada afba kula tartan Negaad. Cadar aad u udgoon oo ay marsanayd iyo waxa isku milmay urtii digaagga shiilan. Aniga oo kalgacal iyo hammuun digaag oo isgalay la dhareerinaya ayaan dhawr midh oo digaaggii ka mid ah isdhaafiyay. Sharaab ay soo iibisay ayaannu digaaggii ku liqnay. Markaannu keefnay ayaannu faallo guud oo dunida ah iska gallay. Hees Saynab Cige qaadaysay oo baabuurka ka baxaysay ayaannu cabbaar isla falanqaynay.

“Qabriga jacaylku ma kii Boodhari baa?” ayay igula kaftantay.

“Qof kasta oo jacayl dilo qabrigiisa weeyaan” ayaan ku idhi.

“Jacaylka looma dhinto” ayay ku murantay.

“Waxkasta oo culays iyo diiqad jidhkaaga iyo maankaaga saara waa loo dhiman karaa” ayaan ku idhi.

“Waad iska leedahay”

“Nin wax iska yidhaahda miyaan kuula ekahay?”

“Maya” ayay iigu jawaabtay. Sheekadii ayaa naga badh go’day, cabbaar ayaannu iska aammusnayn oo iftiinkii magaalada iyo bilicdeedii dusha ka daawannay.

Kolkii dambe ayuun bay hadal aanan meesha ka filan igu tumaatiday:

“Nin wanaagsan ayaad u noqon lahayd gabadha aad guursato” ayay si niyadsami leh iigu tidhi. Hadal aanan ka filaynin ayuu igu noqday, wax aan kaga jawaabo ayaan garanwaayay, miyay ku doonaysaa? Miyay iska kaa ammaanaysaa? Ma cid kale ayay kuu maslaxaysaa? Maxaad tidhaahdaa, yeeshaa, samaysaa? Mawjado badan oo feker ah ayaa madaxaygii qarqiyay, midna kuma dhaqaaqin, waan iska aammusay. Habeenkaas waxa aan baabuurkii ka degay aniga oo niyaddayda wax ku talaalmeen, waxa igu abuurmay jacayl.

***

Laga bilaabo habeenkaas tilmaannaa ee aan digaagga iyo nin la guursado ayaad tahay isku goostay waxa laabtayda fadhiistay oo degel ka dhigtay jacayl ii galay Negaad. Habeenno iyo maalmo badan oo dambe ayaannu wada fadhiisannay, qadaynay, cashaynay oo xitaa filimmo badan wada daawannay. Waxa aan bartay dhinac Negaad ka mid ah oo aanan qof kale weligay kula kulmin; waa dhinaca naxariista.

Waxa aan Negaad ku bartay daryeel, dhawris, ku werwer iyo il naxariiseed oo ay dadka ku eegto. Wax kasta oo aad qabto ama ku luraya waxay ahayd qof jecel inay ogaato, oo wax kaala qabato. Haddii ay dareento in aad harraad qabto, qaxwe u baahan tahay, gaajo ku hayso si hagar la’aan ah ayay xil isaga saaraysaa sidii ay kuu caawin lahayd.

Habeen baannu isu raacnay filim cusub oo markaas soo baxay, aad bay ugu heellanayd inay filimkaas daawato. Salool, nacnac iyo sharaab filimka aannu ku daawanno ayaannu sii miisannay. Markii filimkii bilaabmay ayaa Negaad caajis dheeraad ah lagu soo rogay. Inanta maxaa haya baa i gashay?

“Miyaad daallan tahay? Ma iskaga baxnaa filimka?”

“Maya, maya waa caadi ee waynu daawanaynaa” ayay iigu warcelisay, dareenkeedu ma uu ahayn mid farxadi ka muuqato. Wax kale ayaan iyana dareemay, farriimo qoraal ah ayaa si joogto ah telefoonkeeda gacanta ugu soo dhacayay oo ay intaas ka jawaabaysay. Waxa i galay hinaase, waxa aan is idhi ma nin kale ayaa Negaad kaala bixi doona? Ma arrin aad yeeli kartaa? Sidee baad se wax uga qaban kartaa?

Siday farriimihii uga jawaabaysay aniguna filimkii u daawanayay ayaan arkay Negaad oo iska gama’day. Qurux iyo qaayo aanan hore ugu fiirsan baa iiga muuqday, waxa igu soo dhacday ma dhunkataa? Dibnaha dibnaha ma u saartaa? Oo billee kaaga babsiisay? Billee ku nacday oo hadalka iyo araggaba kaa goosatay? Oo imika miyay ku jeceshahay? Mooyi? Inkasta oo aan ku sigtay in aan dhunkado haddana kuma dhicin.

Way soo baraarugtay, oo iga raalligelisay hurdada la tagtay, habeenkaas iyada oo daallan, caajis badani ka muuqdo ayaannu filimkii dhammaysannay, intii aannu sii soconnay ayaa dhawr telefoon ku soo dhaceen, niman kale ayaa la soo hadlayay, mid walba waan kugu soo celinayaa ayay ku lahayd.

Muraad kama aan lahayn ragga badan ee ay Negaad la sheekaysanayso maxaa yeelay aniga ayaa ah qof furfuran oo jecel inuu asxaab badan yeesho, isla markaana isuma qabo qof jecel inuu qofka ay saaxiibaan u taliyo oo ku amarkutaagleeyo. Gurigayga hortiisii ayay igu dejisay.

Waxa aan degdeg isugu tuuray sariirtaydii. Saqdii dhexe ayaan dareemay aniga oo Negaad dhabta ku haysta. Farxad iyo raynrayn baan is hayn kariwaayay, waxa aan ku baraarugay qosolkaygii oo indhaha ku dhuftay qolka madow ee aan dhex jiifo, walaa Negaad walaa naag kale, aniga iyo sariirtaydii Ceebla ayaa is weheshanayna.

***

III. Ha u bogin lahaydaa!

Shaqada ay Negaad hayso waxa u dheer oo ay dhigataa kulliyad, in ay jaamacad gasho ayay aad u danaynaysay. Waxbarashadii ayaa qayb badan oo ka mid ahi ku adkaatay, waxa aan u ballanqaaday in aan ka caawiyo casharrada. Galab kasta kolka aan shaqooyinka dhammayno ayaannu israacnaa oo casharradii loo soo dhigay iyo shaqooyinka laga doonayo sii wada ambaqaadnaa ilaa ay saqda dhexe gaadho. Miis baannu xisaab kaga wada shaqaynay, laba kursi oo isku dhejisan baannu aqoon kombiyuutar iskula eegnay, meelo badan oo cidhiidhi ah oo neefteeda aan toos u qaatay ayaannu isla fadhiisannay. Dareen aan ogahay oo xidid walba ku baxay ayaa Negaad ii galay.

Si aan ugu sheego waxa i haya ayaan garanwaayay. Mar walba waxa madaxayga ku mudnaa oo aan ka baqayay billee MAYA ku tidhi? Sidaad eraygaas u wajahi kartaa? Dhaawaca diidmadaas aan mala-awaalay ii geysan karto ayaa fulay aan ku dhac lahayn iga dhigay.

Maalin kasta oo aannu kulanno, telefoon kasta oo aannu ku wada hadallo, iyo isumaansho kasta oo aannu wadaagnaa wuxuu sii xoojiyay jacaylkii ii hayay Negaad. Afar iyo labaatanka saacadood wax kasta oo aan qabanayo waxa ay Negaad noqotay qayb ka mid ah. Markasta oo ay damacdo inay telefoon iisoo dirto inta aanay soo garaacin ayaan kaga horreeyaa, way ku naxdaa, waxa aad moodaysay in aan sii ogahay. Dareen baa iigu xidhmay. Werwer iyo baqdin joogto ah oo aan ka qabo in Negaad i dhaafto ayaa oontii iga jaray. Cirro aanan lahaan jirin ayaa iga soo baxday. Gabadh aannu aad u saaxiib nahay, oo sirta isku qarsanno ayaa dareentay isbeddelka igu dhacay:

“Maxaa kugu dhacay maalmahan?” ayay i weydiisay Filsan.

“Waxba, maxaad aragtay?”

“Walaalkaygii qaaliga ahaayow waan ogahay waxa ku haya ee runta ii sheeg”

“Maxaa i haya?”

“Waa iyada sow maaha? Come on, tell me the truth” ayay Filsan igula kaftantay. Waa runteeda, waa qof aannu si wanaagsan isu naqaanno, guurkeedii, arooskeedii iyo dhismihii reerkeeda oo dhan ayaan gacan weyn ka geystay. Miyaan se qiran karayaa xanuunka i haya, sow waxa ay igula talinayso garanmaayo.

“Iyadee dee?” Kiiska ayaan iska waalay.

“Negaad, waa Negaad sow maaha qofka aad u bugtaa?” ayay iyada oo indhaha iyo sanka jeesjees u dhaqdhaqaajinaysa igu tidhi.

“Wallaahay in aanan odhan” Dhaar aan ujeeddo lahayn ayaan isku maqiiqay.

“Taasi dhaar maaha, ee waan ku ogahay waxa ku haya. Gabadh baan ahay, rag baan soo arkay, dar jacayl ku dhacay baa iga dul ooyay. La hadal inanta, aan ku guursado ku dheh, maxaad uga baqaysaa? Ballan baan kuugu qaadayaa in aan hadiyad qaali ah kuu keeno, arooskaaga ka tumo oo weliba ciyaarta Isbaanishka ee Salsada la yidhaahdo ka ciyaaro” ayay igula kaftantay.

Waran aan arkayo ayaa beerka la igaga taagay markay tidhi Negaad aan ku guursado ku dheh. Miyay Filsan waalan tahay, haddii lagu soo diido waxa kugu dhacaya miyaanay ogayn ma inaad is disho ayay doonaysaa?

“Filsan, wax aanan samayn karayn ha igu khasbin” ayaan aniga oo naqasku dirqi igu yahay idhi. Miyay i dirqiyaysaa qiil uun bay ii furaysaaye, miyay se taasi aniga ii muuqataa, waxa keli ah ee niyaddayda ku mudani waa MAYA iyo jabkaygii oo is barkaday.

“Walaalkaygii qaaliga ahaayow, haddii ay maya ku tidhaahdo adduunyadu dhammaanmayso, adigana wax kaa go’ayaa ma jiraan, waad ka samraysaa uun, niyaddaada ayaad inantan yar ee ku caqli keefaysa ka saari lahayd uun”

“Maya, ma yeeli karo Filsaney. Adigu axsaan ii samee”

“Oo ah?”

“Ii soo ogow kalgacalaylka ay Negaad ii qabtaa inta uu le’eg yahay?” ayaan aniga oo talada saaxiibadday ka baqay iyadii dib u faray. Waxa aan cimri dherer ka dhiganayaa sheekadaas hadba gees isaga sii jiitamaysaa. Fulaynimadayda aanan fallaadhaha jacaylka u badheedhayn ayaan marmarsiinyo u doonayaa, cid ii xil qarisa oo inanta Haa iyo Maya mid uun ka keenta ayaan doonayaa.

“Waa hagaag, anigu waan waraysan karaa se ninka hadhow ay tahay inuu xabadda isu dhigaa waa adiga” ayay sii dheeldheel ah iigu tidhi.

Saddex maalmood ka dib ayay Filsan igu soo war celisay:

“Orod oo inanta u badheedh”

“Maxay ku tidhi? Maxaad ku tidhi? Siday u tidhi?” weydiimo aan cid iiga jawaabta u ciil qabay ayaan ku boobay.

“Waxa aan ku idhi, maxaad inankan ku jecel isu guursanweydeen. Inkasta oo ay hadalka ka yar warwareegtay haddana adigu toos ugu badheedh ayaan ku odhan lahaa” ayay Filsan iigu soo warcelisay. Toos ugu badheedh, inantu miyay waalatay, haddii aan toos ugu badheedho sow iyana toos iigu badheedhimayso ayaan hoosta iska idhi.

“Waa hagaag, waan isku deyayaa in aan su’aalo kula dhaco, billee se i diidday?”

“Waaryaahee, ma ifkaa lagaa qarinayaa? Miyay ku cunaysaa? Orod oo naagta indhaha ku caddee oo ma i guursanaysaa ku dheh” ayay si kaftan iyo run ku caddayn isugu jirta iigu tidhi.

Tabtii Filsan igula talisay ayaan ku dhiirraday, fursad aan Negaad ku hor fadhiisto ayaan sugay. Maalin aannu baabuurka ku wada jirray ayaan is idhi u sheeg, weydii, ku day, kuma se dhicin, ma madal wax la isku weydiiyaa baa ayaan is idhi. Mooyi.

Wax aan la warwareego, hadalka kolba dibnaha caaradooda dib uga celiyo maalin dambe ayay hudheel cunto macaan oo ku yaal xaafad Rusholme la yidhaahdo ii kaxaysay. Sida runta ah maalintaas arrinka guurka iyo wixii aan ka odhan lahaa maskaxdaydaba wuu ka maydhmay. Aad bay u faraxsanayd, aniguna farxaddeedaas ayaan la wadaagay. Qosol iyo kaftan aan dhammaanayn ayaannu isla qaadaa dhignay. Mar dambe ayay iyadu sheekadii arrimo muhiim ah oo guurku ka mid yahay ku soo duday:

“Waxa la soo gaadhay wakhtigii aad guursan lahayd” ayay igu yidhi: “Waxa aad u baahan tahay gabadh ku dhaqda oo sida Amran oo kale raalliyo ah” Amran waa gabadh aannu ilma adeer nahay oo ay iyadana isyaqaanniin. Waa qof xilajanno ah. Waa haweeney mid loo dhigaa anay jirin. Way og tahay Negaad in aan Amran ixtiraam iyo kalgacal dadnimo oo dheeraad ah u hayo. Meesha se ay Amran kale ku og tahay iima ay sheegin, in ay iyadu diiraddayda saaran iska duwayso ayuun baan u qaatay.

“Waan gartay”

“Runtii nin wanaagsan baad tahay, waxa aad qabanayso anigu garanmaayo, habluhu way badan yihiin, meel walba way joogaan” ayay sheeko dheer ku soo xidhay. Mar keli ah ayuun baa caqligaygii maqnaa soo noqday, Allay lehe fursaddan ka faa’iidayso ayaa igu soo dhacday, sheekadii aannu aniga iyo Filsan in badan isla qaadaa dhignay ayaan xusuustay:

“Maxaad adigu hablaha geyaanka ah isaga reebaysaa?” ayaan aniga oo wadnuhu fawdaas i hayo ku idhi Negaad. Ma ba filan jawaabta meesha igaga soo boodday.

“Ma aniga? Ma aniga? Waxa aan rajaynayaa in aanad walaaltinnimadii aan kuu muujinayay khalad ka fahmin. Malaha aniga ayaa si xun wax u muujiyay? Innagu dad isweydiin kara arrimahaas ma nihin. Innagu dad haa iyo maya dhexmari karto ma nihin” ayay sidii qof qabar ku soo degay ugu musaannawday. Xejiso aaggaaga oo yaan lagula fuqin, bal ku day inaad hore u ruqaansan karto ayaan is idhi.

“Waayo? Maxaad sidaas ugu hadlaysaa? Miyaynaan dad geyaan ah ahayn?”

“Waar anigu sheekooyinkaas gaboobay ee geyaanka iyo shuqul Soomaaliga ah ma aamminsani, ardaa dhig iyo oday loo tago iyo arrimahaas ma aqaan. In aan dhinto oo naftu iga baxdo ayaan ka doorbidayaa waxan aad i weydiinayso” ayay si qiir leh u tidhi.

Waaw! This is big stuff! Ayaan aniga oo af qalaad ku fekeray uurka iska idhi. Waxa aan dhimay ee meesha ka dhacay, ee aan ahay ma ku guursadaa oo weliba meel fog aan uga soo wareegay, ayaan garanwaayay. Raashinkii aannu meesha ku cunnay oo jidhkaygii naxay, marna cadhooday, marna baqay daqiiqadaha ka dhigay oo kul iyo tamar u beddelay ayaa xididada i rooray oo degdeg iiga baxay. Gaajo iyo harraad ayaan dareemay. ‘Caanihii aad hooyadaa ka jaqday ayaan kaa soo mantajin’ ayaan maqli jiray, waaba ta aan ku jiro.

Annaga oo aan wada hadlayn ayaannu hudheelkii ka baxnay oo baabuurkeedii fuullay.

“Are you alright?” ayay markaannu inyar soconnay igu tidhi. Alright my ass! Ayaan hoosta ka idhi, oo aniga oo is tiilaya:

“I am fine” dirqi ah ku jawaabay.

Hadal badan oo kale nooma kala bixin. Gurigayga hortiisii ayay igu tuurtay. Naf igu jirtay habeenkaas haddii la i yidhaahdo sawir, oo aan farshaxanka wax ka aqaan, geeri baan u ekaysiin lahaa. Madax yuuban, miciyo dhaadheer iyo sibro godan baan u yeeli lahaa. Ma aan sawirin, laakiin nidar waxaan ku galay in aanan Negaad dambe wejigeeda fadhiisan, juuq u odhan, meel ay ka dhowdahayna iman. Ma seexan habeenkii, hadba dhinac ayaan isu rogayay ilaa waagii ii beryay.

***

IV. Ka dar oo dhibi dhal!

Aroortii aniga oo indhuhu kabbo dhiig ah ii eg yihiin ayaan shaqadii qabtay. Wax alla wax aan qabanayo ma garanayn. Naag baas oo maamule ii ah ayaa aragtay aniga oo dhawr jeer shaqo aan qabannayay khalday. Intay soo kacday ayay iyada oo aan juuq ii odhan isa soo kay hor taagtay. Gabadh qurux u dhalatay ayay ahayd, laakiin si xad dhaaf ah ayay u naaxday, naasaheeda haddii aan dhexgalo cidi igama soo hesheen, badhida waxa aad moodaysay jeer sii jeedda. Maryo baas oo si ugu dhejisanna way xidhatay. Aniga oo aan is ogayn ayaan bartaas labadeeda naas dhexdooda si fiican ugu dhaygagay oo ku dul fekeray. Waaba ay muraaraddillaacday:

“Hey, I am talking to you, come with me?” ayuun baan ku war helay. Aniga oo yaabban ayaan iska daba galay. Qol yar oo halkan ah oo waraysiyada lagu qaado ayay ila gashay.

“Waan maqlay basarxumadaada, laakiin maanta ayaan usoo taagnaa, maxaad ka eegaysay naasahayga?”

“Naasahaaga?” intaan idhi ayaan naasaheedii oo markii ay fadhiisatay intii hore ka soo waaweynaaday intaan toos ugu dhaygagay qosol ku dhuftay.

“You think it’s funny? Isn’t it?” ayay si cadho ku jirto iigu tidhi.

“What is funny?” ayaan aniga oo soo baraarugay ku idhi.

“Inaad naasahayga ka jeesanweydo, oo weliba marka aan ku weydiiyana qosol u dhacdo?”

In aan baxar ku jiro ayaan is ogaaday:

“Maya, maya, weligay naasahaaga ma eegin, miyaad waalatay”

“Waxba kama qabo haddii aad u malaynayso inay fiican yihiin oo aad sidaas u eegayso, shaqaalaha kale hortiisa uun ha ku eegin, waynu ku ballami karraa meelo kale oo aad ku eegto, kaga haqabbeesho. Haddii se aad dhega adkaato, oo aad maslaxad wixii kuu ah diiddo, waan kuugu giijin doonaa” ayay iyada oo codkeedii cadhada ahaa kaftan iyo qosol ku beddeshay igu tidhi. Waan yaabay, gabadhii laba miridh ka hor ii xanaaqsanayd oo imikana i xodxodanaysa ayaan ka yaabay. Waxa se madaxayga dhaqaajiyay hanjebaadda ay xodxodashada ku sii ladhay. Negaad oo sidaad ogayd kuu gashay iyo haddii shaqo la’aani isu kaa galaan sow baxarkaagu kicimaayo ayaan ka fekeray.

“Waynu iska heshiinaynaa” ayaan ku idhi.

“Very good, aniga ayaa kuu soo sheegaya ballanteenna u horraysa” intay tidhi ayay qolkii ka baxday. Aniga oo waxa la iga saxeexay aan saani u garanayn ayaan meeshii ka soo baxay. Miiskaygii ayaan iskaga noqday oo Negaad iyo naasihii buurbuurraa ee gabadha ii maamulaha ah ka fekeray. Goor saacaddu sidaas u orodday ma ogayn. Goor aan go’aansaday in aan Negaad farriin u diro ma ogayn. Waxa aan ku war helay uun sanqadh farriinta telefoonkayga gacanta ku soo dhacday. Waan la booday oo eegay cidda soo dirtay, mise waa Negaad. Eray keli ah baa meesha ku qoran:

“Maya”

Waxa aan u qaatay inay sheekadii xalay dhacday weli daba socoto. Waaba axmaqad tani ayaan is idhi oo ka fekeray in aan telefoon kula hadlo. Bal horta sug ayaan is idhi oo farriimihii telefoonkayga aan ka diray eegay. Yaab iyo amankaag bay igu noqotay kolkaan arkay heesta aan shan iyo toban daqiiqadood ka hor Negaad u qoray:

‘Naftan ku oggole, kuu abaal siddee, kuu abaydinka ah, ee kugu indha la’, usha maad u qaban?’

Hadda ayuun baan gartay waxa inantu ka soo jawaabaysay. Cudur kii hore ee i hayay ka sii xoog iyo quwad weyn ayaa igu kacay. Waan is qoomameeyay, hadalkii aan xalay Negaad ku tuuray waxa igaga ciil iyo uurkutaallo badan heestan qiimaha badan ee cabashada miidhan ah ee iga dhacday iyo sida wejiga la iigaga soo dhuftay. Aniga oo aan cirka iyo dhulka midna joogin ayaan miiskaygii ka kacay oo inta aan xamaamo urursaday ka hulleelay xafiiskii. Kadinka markaan weydaartay oo daal iyo qulub la kurbanayo ayaan arkay gabadhii maamulaha ii ahayd oo baabuurkeedii iiga dhex yeedhaysa. Aniga oo aan is ogayn ayaan dhankeedii isaga dhaqaaqay oo intaan baabuurkeedii iska furay:

“Ina wadi” aad mooddo in aannu ku ballansanayn gadhka u geliyay. Kamaba qasna, xawaare kii qaadwalayaasha oo kale ah ayay baabuurkii ku dhaqaajisay oo shan iyo toban daqiiqo ka dib gurigeedii nagu soo hor qoofashay.

Waa carmal, xaafadaha magaalada ugu ladan ayay deggan tahay. Degdeg baannu baabuurkii uga dhaadhacnay, goor aannu martii dhigannay iyo goor aan heerkaas isla gaadhnay midna ma ogayn, waxa aan ku miyirsaday uun aniga oo labadii naas ee buuraha Golis u ekaa dhexdooda gafuurka kula jira oo naqaskii i hayo. Aniga oo neefneefsanaya ayaan barbar u dhacay.

Hayaay! Reero ba’e, diin, xadiis iyo damiir kale midna ma xusuusan ee waxa la ii sawiray uun Negaad oo waxa aan maanta dhigay loo sheegay. Jacayl aabbihii kuday oo aan cidiba ila wadin ayaan anigu docdan ka koolkoolinayaa oo waxkasta oo jebin kara, dhaawici kara ama digaandigaha ka dhigi kara intaas ka dhawrayaa.

Bal maan naasahaygaas gabadha jeerta la moodo ku yaalla iskaga dhex aasnaado? Maan maamulahaygaas iska maammusho oo danahayga oo dhan ka fushado? Mooyi, ma garanayo, malaha Negaad baa wax walba igala qaalib noqotay, xitaa markay MAYA igu tidhi, xitaa markay farriintaydii eray keli ah kaga soo jawaabtay, xitaa markay oori ii noqo geeri baan ka xigsaday igu tidhi.

Miyirqab iyo waalli iyamaad horta tahay ayaan isweydiiyay, wax aan ku jawaabo aniga oo aan garanayn ayaan gurigii gabadha isoo kaxaysatay ila tagtay kadinkiisii ka booday. Surwaal dunguri ah oo aan xidhnaa oo keli ah ayaan gashanahay, labadii kabood, shaadhkii iyo koodhkiiba gacanta ayaan ku sitaa.

“Oi! What the fuck do you think you’re doing?” ayay igala daba qaylisay oo sii raacisay: “Miyaanad arkayn in xaafaddu mid muxtarim ah tahay oo dad wax isku falayaa deggan yihiin, ma waxa aad doonaysaa in la igu xanto nin madow oo qaawan ayay xaafaddii ku soo dhex deysay?”

Allaylehe waa ‘what the fuck’ arrintaydu ayaan hoosta ka idhi oo aniga oo aan u bixin dhababaco xaafaddii oo dhan ku dhaafay. Gurigaygii ayaan aniga oo aanay dhinacna igaga jirin tegay. Laba maalmood iyo habeen cadaab ah ayaan i soo maray, nacallaa haween iyo barashadoodaba ku yaal intaan idhi ayaan sariirtaydii galay oo madaxa iyo minjaha maray. Muddo aan hurday ma aan ogayn, waxa i toosiyay telefoonka gacanta oo soo dhacay, isha ayaan kula haliilay magaca la iga soo garaacayo; waa Negaad. Waan ka naxay, ma qabataa iyo ma iska deysaa ayaan isku qabtay. Kuma dhegaysan karo, waa wax aan dhacayn:

“Haloow”

“Hi”

“Hi”

“How are you?” ayay si mukur ah oo markay ay faraxsan tahay ay u odhan jirtay iigu tidhi. Inkasta oo aanan nin farxadi gelayso habeenkaas ahayn haddana maqalka hadalkeedu wuxuu i qaboojiyay meel i ololaysay.

“Waan fiicanahay” ayaan ugu jawaabay. Waa beentay, xaggaan ka fiicanahay, aniga iyo fiicnaan daa, ta isoo martay iyo ta aan ku dhex jiro aniga uun baa og.

“Maxaad haysaa?” ayay sidii qof aan waxbaba dhimin igu tidhi. Maxaad haysaa ma af marka aad nin ku jeclaaday xiniinyaha iyo ilkahaba ka laaddo loola yimaaddaa baa? Bal dadyahow dhegaysta waxa inantaasi iila shir timi ayaan uurka iska idhi. Laakiin miyay og tahay waxa aan uurkayga iska leeyahay? Kol haddii aanan afkii kagala dhacayn sow waxa uurkayga fadhiyaa aniga uun igu xidhnaanmaayaan oo aakhirka heddayda joogimaayaan?

“Waxba ma hayo” ayaan ku idhi.

“Miyaad seexatay? Maxaa ku helay ee codkaaga ka si ah?”

“Waxba ima helin ee waan sii seexanayay”

“Ok then, good night, I’ll talk to you tomorrow” ayay igu tidhi. Iska hadal dheh ayaan is idhi ku dheh, ma odhan;

“Good night” ayaan ugu jawaabay oo telefoonkii dhigay.

Hurdo ayaa igu soo degiweyday. Filsan ka war doon ayaan is idhi, oo maxaad kaga war doontaa oo kula noqotaa? Ma gabadhii Maya ayay igu soo tidhi ee xal raadi? Taasi wax dhici kara maaha. Jabkaaga iska qarso ayaan is idhi. Oo ma jab qarsoomayaa. Saddex toddobaad ayaan meel waallida iyo miyirqabku ku kulmaan meehannaabayay. Gabadhii shaqada ee candhada i gashatay ayaa iyana docdan igaga shidday, in aan sidii maalintii aan yeelay mar kale ugu celiyo ayay doontay. Oo ma nin wax ku celin kara baan ahay?

***

V. Dhuumasho dhabarku muuqdo

Waan bukaa ayaan ku idhi qoladii shaqada intaan telefoon u diray. Afar maalmood ayaanan gurigaygii ka soo bixin. Waxa aan is idhi cidna juuq ha u odhan. Saddex maalmood kolkaan Negaad war ka la’aa, ee ay ila soo hadliweyday, ayaan cunqabatayntii hadalka ee aan isa saaray jebiyay oo intaan isqaadqaaday telefoon ugu dhuftay:

“Iska warran?” aan hoos u dhigayo ayaan ku idhi.

“Haa, walaal nabad weeye, aad kuu maqlimaayo, baabuur baan wadaa ee igu soo celi, Landhan baa joogaa” ayay iigu jawaabtay.

Igu soo celi, waxba kugu soo celinmaayo aniga oo uurka ka leh ayaan telefoonkii dhigay. Dhawr maalmood oo dambe ayaanan war ka helin.

Daal iyo caajis dheeraad ah ayaa la i saaray. Shaqadii ayaan ku noqon kariwaayay. Soojeed habeenkii ah ayaa i dullaystay. Dhakhtarkaygii ayaan miciinsaday. Jacayl baa i haya odhan karimaayo ee astaamaha kale oo dhan ayaan u tilmaamay. Diiqad baa kugu yuururta ayuu igu yidhi. Shaqada waa inaad ka nasataa, kiniinkaasna liq oo wakhtigiisa qaado, ayuu igula taliyay. Hurdo xad dhaaf ah ayaa igu soo degtay.

Duray baa igu dhacay, lafaha ayaa i xanuunaya, dhabarka ayaa la iga qabtay, qofwalba sheeko nooc kale ah ayaan ugu warramay. Filsan oo aannaan beryahaas is arag ayaa iga soo wardoontay:

“Waaryaahee, maxaa sidan kuu galay?” ayay intay albaabkii guriga igu soo garaacday igu tidhi.

“Sidee?” si aan u ekahayba ma anigaa og. Show gadhkii baa igu baxay, timihii baanan dhawr cisho feedhan, wejiga ma aan dhaashan.

“Waar ma soo galaa?”

“Haa, haa, soo dhaaf, maxaad usoo geliweyday” Waxa aan usoo horgalay dhankii qolka fadhiga. Cajelad rikoodhka ku jirtay ayaa ii baxaysay. Iyada oo aan juuq kale ii odhan ayay heestii la qaadday:

‘Aaminaay xusuusnow, inkastoo ayaamahan, arrintaadu adag tahay, aadmigu siduu qabo, amay aniga ila tahay, adna aad ogsoon tahay, ifka intaad ku nooshahay, kaa oolimaayo, in nin kale arooskii, kuu abaabulaayoo, oorridiisa noqotaa, waa mid aan ahaanayn, arrin waxan ku goynaba, soo ururi taladoo, Isu imashadeennii, Arbacada habeenkii, afar saac markay tahay, haynoo ahaatoo, Aaminaay xusuusnow’

“Waaaw! Waar sidaas Negaad warka ma ugu dhiibtay?” ayay intay heestii bog dhan Xasan Aadan la qaadday igu tidhi. Juuq uma odhan ee intaan madbakha iska galay ayaan shaah aanay iga codsan, aniguna weydiinin usoo sameeyay oo intaan roodhi qalalan daanka gashaday fijaankeedii u keenay.

“Aaaaah! Aad baan walaal uga xumahay sida naagtaasi kuugu ciyaarayso, wallaahay araggaaga waan ka naxay saaka” ayay igu tidhi, oo intay luqunta iskaga kay duubtay madaxaygii qoorteedii ku dul nasisay. Garab aan ku tiirsado ayaan u baahnaa ba, waxa aan iskaga nastay Filsan korkeedii. Cid aan ku dul ooyo ayaan show dhawr toddobaad u jeel qabay. Muddada aan inanta ku dhejisnaa ma sheegi karo, laakiin in culays weyni iga dhacay ayaan dareemay.

“Iska dhaaf inantaas, magaceeda iska illow, waayimaysid gabadh kale oo aad guursato. Ogow xitaa haddii aad guursato oo aanay iyadu ku jeclayn wuxuu jacaylkiinnu noqonayaa mid dhinac uun ka jira, kaasi jacayl ahaanmaayo. Waan ogahay in aan ku idhi in badan inantaas guurso laakiin haddana wallaahay sida ay kuula dhaqantay ma jeclaysan” ayay Filsan igu waanisay.

“Sow ma ogid in aan jecelahay?” ayaan ku cawday.

“Haa, laakiin haddii aanay ku doonayn maxaad yeelaysaa? Naftaada in aad aawadeed u dhibto ma daw baa?” ayay Filsan iigu caqli celisay.

Waan u garaabay hadalka Filsan. Haddii Negaad ku erido ma ka samri kartaa? Mise waxa aad naftaada dhamacda u saari doontaa jacaylkeeda kugu fogaaday? Miyaad se doorasho leedahay horta? Ayaa niyaddayda ku soo burqatay. Ka dhuumo Filsan oo bal horta Negaad dhan kale uga wareeg, si kale wax u tus, billee kuu qalbi debecday, billee soo jeesatay.

***

VI. Maalintii jacaylka

Taladii Filsan inkasta oo ay ila qurux badnayd haddana ma aan qaadannin, jacayl i hoggaaminayay ayaa iga xoog batay. Dhinac kale bal Negaad uga wareeg ayaan is idhi.

Waxa aan beegsaday maalinta jacaylka, waxa aan Negaad u dalbay laan ubax ah oo midabkeedu dhiin yahay, nacnac shaaglaydh sidii wadne loo sameeyay. Waxa aan raaciyay farriin kooban oo nuxurkeedu ahaa in aan Negaad naftayda ka jecelahay, doonayo in ay oori ii noqoto, ubad ii dihato.

Waxa aan ku talagalay in marka ay hadyaddaas hesho aan martiqaad u fidiyo, waxa se igu dhacday cillad dhinaca farsamada ah, qoladii aan hadyadda ka diray ayaa telefoonkoodii iga qabanwaayay. Waxa aan garanwaayay in inantii ubaxii casaa gaadhay iyo in kale, si aan u weydiiyo ayaa ii muuqanweyday. Habeen ka mid ah habeennadaas aan weli meesha hadyaddii martay baadhayay ayay telefoon ii soo dirtay, xaggaad ka dhacday ayay igu tidhi. Ujeeddo su’aashaasi lahayd ma aan fahmin, in ay i leedahay maxaad isu qarisay oo farriintii uga daba imanweyday iyo inay iskay isaga kay waraysanaysay ayaan kala garanwaayay.

Saddex maalmood oo xidhiidh ah kolkaan garaacayay ayay ii jawaabeen oo ii sheegeen inay hadyaddii geeyeen maalintii bishu 14ka ahayd. Waxa halkaas ku kala daatay qorshahaygii maalinta jacaylka, martiqaadkii aan ubaxa raacin lahaa imika munaasab maaha.

***

VII. Warqaddii jacaylka

Tab kale ayaan jeebka kala soo baxay markii qorshihii maalintii jacaylku fashilmay. Maxaad inanta warqad ugu qoriweyday ayaan is idhi. Qoraal dheer oo aan gacanta ku qoray ayaan wixii niyaddayda ku jiray, wixii i shidayay iyo hammigaygii oo dhan ku taxay. Habeen aannu israacnay ayaan khaanadda baabuurkeeda warqaddii oo gal ku jirta dalaq ku siiyay. Markaan gurigaygii tegey ayaan telefoon u diray oo warqaddii akhriso ku idhi.

Hiif iyo haaraan baa meeshii iga raacay. Waxaas oo kale maalin dambe ha iila iman ayay igu, leave me alone ayay af qalaad iigu sheegtay. Anigu wax kaa si ah garanmaayo ayay tidhi. Sacsac in aan ahay baa meeshaas iiga soo baxday. Doqonniimo inay i hayso ayaan yiqiinsaday. Dhawr maalmood ayaa dareenkii jabka iyo wadhidii meeshaas iga raacday niyaddayda ku duubnayd.

Cid aan ku eersado ayaan u baahday. Sidii awelba dhici jirtay Filsan baa shimbir ii noqotay. Farriin kooban oo qoraal ah ayaan telefoonkeedii gacanta ku diray:

“Wax qof aad u hurto waxa u qaalisan jacayl aad naftooda u qaaddo. Haddii qofka aad jacaylkaas u qaaddo, qalbigaaga raaciso ee dunida uumman keligii kala soo dhex baxdaa kugu xidho albaabka maxaad yeeli lahayd? Ma daw baa? Ma arrin la isu quudhaa baa?”

Degdeg ayay Filsan farriintaydii uga soo jawaabtay:

“Ma iyadii baa? Ma inantii yarayd baa qalbigaaga gacaliyo sidaas ugu ciyaaraysa? Ha werwerin, ha is lurin, dunidu maanta maaha, dunidu wixii nool way taagnaanaysaa, qof kale oo kuu macaan, kuu roon, kuu khayr badan ayaad heli doontaa walaal” ayay iigu caqli celisay.

Oo ma nin waxaasi ka degayaan baan ahay, waan arkaa in aan Negaad i rabin haddana si uun baa qalbigaygu rajo aan soo muuqan isu tusayaa.

“Maanta marka aad qadada usoo baxdo ma aad ii iman?” ayay Filsan igu tidhi.

Arrinkaas wax aan ka jeclaa ma jirin, qof aan ka hor ooyo oo arrinkayga u garaabi kara ayaan saacaddaas u baahnaa. Waxa aannu Filsan ku ballanay meel goobta ay ka shaqayso u dhow oo suuqa badhtankiisa ah. Markii meeshii aan soo gaadhay ayaan is idhi telefoonkeedii garaac oo bal hubi halka ay marayso mise waa tan igu soo mudh tidhi.

Waan ku soo booday oo qoorta iskaga maray oo ku dul ooyay, wehel baan u baahnaa, cid ii garowda oo xitaa haddii aan Negaad ka gardaranahay, oo wax aanay doonayn aan ku khasbaayo igu tidhaahdaa adiga ayaa garta leh ayaan u baahnaa. Cid niyaddayda qulubsan iyo maankayga isku qubtay ee tashuushku galay maaweelisa ayaan u baahnaa, ciddaas ayay Filsan ii ahayd.

Hudheel wax laga cuno ayaannu dalaq nidhi:

“Halkaas sii fadhiiso oo maxaan kuu soo qabtaa?” ayay igu tidhi.

“Shaah”

“Maxaan kuu soo qabtaa baan ku idhi?”

“Shaah uun baan doonayaa” ayaan ku idhi.

“Are you sure you don’t want anything else?”

“Sure”

“Come on, you have to eat haddii kale waad dhimanaysaa” ayay igu tidhi.

“Dhimashada ayaa la ii qaatay” ayay si murugo leh ugu jawaabay.

“Don’t be so stupid” ayay si cadho leh iigu tidhi, oo intay igu soo noqotay sidii ilmo yar oo ay dhashay labada dhaban i tuujisay, oo marba mid iga dhunkatay.

Xanuunkii nafsiga ahaa ee i hayay ayaaba dhunkashadii Filsan raacay. Naxariis qabow ayaa igu soo degtay. Cuntadii markay soo qabsatay, anigana shaah ii keentay ayay hortayda soo fadhiisatay oo intay kursigii aad iigu soo dhoweysatay, hoos iila xanshashaqday:

“I dhegayso; Negaad niyad kuuma hayso. Iska illow, ka saar niyaddaada oo ha u oggolaan inay noloshaada qasto”

Indho murugo leh oo aad arkayso in maanka wax soo farayaa hadalka Filsan diiddan yahay ayaan ku eegay. Juuq ma odhan.

“Maalintii dhoweyd ee aad ii dirtay waxa ay igu tidhi ninkaas niyad uma hayo. Aniga oo hor fadhiya ayay nin kale telefoon u dirtay oo sheeko haasaawe ah halkii uga bilowday, waan arkayay aniga ayay ii jeedday oo waxa ay doonaysay inay farriin iisoo kaa farto. In aan kuu sheego oo ku idhaahdo naagtani mid niyad kuu haysa maaha ayay doonaysay” ayay Filsan tidhi.

In Negaad rag kale la sheekaysato, la haasawdo waan ogaa, imikana ogahay, laakiin inay sidaas iigu joogsato kama filayn.

“Maxaad iigu sheegiweyday?” ayaan sidii nin wax ka tari karaaya Filsan ku idhi.

“In aan ku niyad jebiyo ayaanan doonayn” ayay iigu jawaabtay.

Candhuuftaydii ayaan dib u liqay. Cabbaar ayaannu halkii aniga iyo Filsan iska sii fadhinay. Markii saacaddii qadadu dhammaatay ayaannu is nabadgelyaynay. Aniga oo intii hore ka fudud ayaan kulankii Filsan ka imi. Laba tashi oo xoogag waaweyn ayaa maankayga ku hirdamayay, mid waliba in aan isaga raaco ayuu igu jujuubayay. Ka hadh oo inta aad samirto, waxwalba liq oo iska dhaqaaq ayuu tashi ahaa. Ka kalena wuu ka soo horjeeday, bal tab kale baadh ayuu ahaa. Midna aniga oo aan go’aan ku gaadhin ayaan gurigaygii imi.

***

VIII. Dembiile ha noqoto

Gurigu wuxuu ahaa cidla. Albaabka markii aan furay urta ka soo baxday waxa ay igu lahayd, meeshan nololi kama jirto. Tabtaas baa maankayguna miridhkaas i farayay. Arrin aanan hore u malayn ayaan ka fekeray. Dembiga oo dhan, waxa aad tabanayso, masuuliyaddeeda oo dhan Negaad dhakada ka saar ayaan go’aansaday.

Gurigii ayaan nadiifin ku bilaabay. Dersin nigisyo iyo sharabaaddo ah oo uskag meel halkan ah iskula huursan ayaan qasaaladda ku guray, daaqadihii oo dhan baan masaxay, daahyadii ayaan beddellay oo dar cusub ku xidhay. Madbakhii oo shooladdii u horrayso ayaan si fiican uga shaqeeyay oo meelwalba ka dhalaaliyay. Dabqaad halkan yaallay ayaan dhuxul holcaysa ku shubay oo uunsi gadhka u geliyay. Meel nololi ka jirto ayaan gurigii ka dhigay.

Dharkii aan qasaalay oo dhan ayaan wada kaawiyadeeyay oo intaan laalaabay kabadho ku guray. Markaan hubsaday in hawshii gurigu ii dhammaatay ayaan maydhay oo intaan ciddiyihii iyo gadhkii iska gaabiyay bedled cusub ku dhacay. Koob shaah ah oo bigays ah intaan samaystay ayaan bartii aan hawsha ka fulin lahaa is hoos taagay oo marba dhinac ka eegay, markaan hubsaday in waxwaliba caadi noqonayaan ayaan iska fadhiistay oo shaahii dhammayso idhi.

***

Fijaanka shaaha ah oo aad u kululaa ayaa igu kellifay in aan muddo door ah oo aanan ku talagelin meeshii sii fadhiyo. Fadhigaas soo kordhay ayaa wuxuu keenay wakhti soo kordhay, wakhtigaas ayaa isna keenay feker hor leh. Maxay odhan doontaa? Ayaan ku fekeray. Ma dembiga ay leedahay ayay qaadan doontaa mise way is diidsiin? Dadku ma ogaan doonaa inay lug ku lahayd wixii i haleelay? Filsan maxay tolow odhan doontaa? Miyay Filsan kala hadli doontaa Negaad wixii ay i markisay?

Waar sowdiga habsaamay ayaan isku idhi. Degdeg baan u sarakacay oo xadhig aan halkan meel ah sii dhigtay soo qaatay. Kursi isaguna ii diyaar ahaa ayaan la soo booday oo intaan u baxay meel siliigga badhtankiisa ku beegan oo laydhka gurigu ku xidhnaa xadhiggii si fiican ugu guntay, hoos baan xoog ugu soo jiiday si aan u hubsado in aanu go’ayn. Markaasaan indhal fiican oo si hawl yar u roori karta u sameeyay. Si wanaagsan markaan isugu sallaxay kursigii iyo indhashii ayaan ka fekeray cidda aan dardaarankayga ugu dambeeya dhegta u saari karo; Filsan baan is idhi, maya ha kaga nixin, Negaad, ma Negaad? Ma naagta cadaabtii kuu quudhay? Oo maxaad iyada dardaarankaaga uga sheegi? Maxaad se ku odhan?

Ka nixi, in ay naf goynayso u sheeg ayaan ku tashaday oo intaan telefoonkaygii gacanta oo halkan yaalla soo qaatay farriin qoraal ah u diray:

“Negaad; wax kasta oo aan kugu sameeyay, dhib kasta oo aan kuu geystay, khaso kasta oo aan ku dareensiiyay waan kaa raalligelinayaa. Galabta ayaa kuugu dambaysa dhib dambe oo aan kuula imaaddo, imikana nabadgelyo, meeshii la ii qoray ayaan naftan u carraabinayaa” Intaan idhi ayaan telefoonkii dhulka ku tuuray oo intaan xadhigii qoorta sudhay oo isku giijiyay kursigii iska laaday. Dam! Si wax u dhaceen iyo cid i qaabishay midna ma fahmin. Waan baxay, meel se aan u baxay ma aan ogayn. Juuqla, jaaqla, cidla aan dhaqdhaqaaq iyo neefsasho midnaba lahayn ayaa i haleeshay.

Bisad? Ma dhici karto, ma malaggii wax ku weydiin lahaa ayaa Bisad laguugu soo beddelay? Haa dee, sowdigan arka maaha. Waa camalkaagii, qofka dembiilaha ahi maaha Negaad ee waa adiga, Bisaddan ku hortaagan ayaa ka markhaati kacaysa. Aniga oo dawakhsan, jaahwareer igu maran yahay, oo garan la’ meesha aan joogo ayaan madaxa gees u yara duway; oo waxaasi waa maxay? Waxa aan isha ku dhuftay kursigii aan ku taagnaa oo halkaas meel ah si moqollosan. Waxa aan ku soo jeestay Bisaddii sanka igula wareegaysay. Sidii laba isyaqaan ayaannu isku dhaygagnay.

Gartay in meeshu gurigaygii tahay, gartay in aan noolahay oo aanan dhiman. Xadhigii aan isku deldelay oo qoortayda ku xidhan ayaan qunyar iska saaray. Dirqi ayaan ku kacay oo intaan sallaanka jarjarada cuskaday dhankii suuliga u kacay. Waxa aan dareemay madax wareer xoog ah, dhiig dhafoorkayga ku yaal ayaan arkay. Cabbaar intaan dhiiggii iska masaxay oo isa soo toostoosiyay ayaan dhinacii madbakha ku soo noqday oo koob shaah ah oo kale samaystay. Waxa aan soo qaaday telefoonkaygii oo halkan meel ah galgalanaya, farriin Negaad ka timi ayaa ka dhex muuqata, degdeg baan u furay:

“Faan weynaa!!” ayaan ka akhriyay. Mar keli ah ayaa naftii igu jirtay aniga oo arkaya inta la iga saaray mid cusub oo diirran, ka dhiig kulul, ka xin badan la isoo hulluuqiyay. Shaaha horta ka saar ayaan is idhi.

***

IX. Fijaankii talada

Fijaankani kii hore ka dhadhan iyo damcad wanaagsan, kani waa fijaankii nolosha. Sidii qof konton sannadood oommanaa ayaan dacallada qabsaday oo isaga oo qiiqaya laacay. Dhidid baa kor iyo kal shax iga soo yidhi. Taladii nacasnimo ee aan shan miridh ka hor ku dhaqaaqay ayaan soo gocday, geed segeger ah oo laakiin cawo iyo ayaan badan in aan ahay baan isla qiray. Aniga oo isku qoslaya, doqonniimadayda la yaabban, isla markaana ilaahay ugu mahadnaqaya inuu fursad kale oo aan Negaad kaga samro i siiyay ayaan dhankii qolka fadhiga u kacay.

Telefiishan qolka yaallay ayaan shiday oo war soconaya iska daawaday. Dabaylo ba’an ayaa koonfurta Aasiya digaandigaha ka dhigay oo kumaankun dilay, nin qori sita ayaa jaamacad Maraykan ah sagaal arday oo aan waxba galabsan qudha kaga jaray, Eeraan waxa lagu deldelay gabadh yar oo lix iyo toban jir ah oo wiil dhunkatay, waddan Afrika ah oo magaciisu i dhaafay waxa macaluul ugu dhintay shan iyo labaatan kun: Dunidaba show ninka ugu cawo badani waa aniga ayaan isdareensiiyay. Nin kale aniga oo ah ayaan waayihii maalintaas isoo maray ka soo dhexbaxay.

***

Noloshaydii kabkabka ahayd ayaan dib u dhisay oo iyada oo dhalaalaysa suuqa soo dhigay. Who needs Negaad iyo jacaylkeed? Sow kii Boodhari soo faray Hadraawi:

“Hodan iyo jacaylkeed, dani igama haysee” ayaan isku maaweeliyay.

Hawadaas aniga oo isla maraya ayay telefoon iigu soo dhifatay, horumar cusub inay samaysay waan maqlay. Saddex nin oo ay kala dooranaysaa inay jiraan waa la ii sheegay. Mid yar oo reer Landhan ah oo timaha raamaystay inay ka heshay maqlay, mid kale oo Kaadhif jooga oo nin wax dhiqi kara u eg laakiin cunaqabatayn badan inay wada socdaan iyana maqlay. Inay mid uun iska guursato oo lagu barakeeyo ayaan hoostaas ka jeclaaday. In aan isdilo oo ay iyadu is hiifto waxa dhaanta inay nin kale guursato oo aan maalmo yara murugoodo marka dambe se saaxiga iska keeno, ayaan is tusay.

“Haloow, waar bal warran? Xaggaad beryahan ka dhacday? Waad kibirtay sow maaha?” ayay Kaftan aanan u jeedin iigu dhiibtay.

“Kibirku wuxuu ka mid yahay isbeddelka nolosha, mararka qaarkood wuu u wanaagsan yahay qofka kibraya, waa intaas oo uu xaalad ku xumayd kaga baxayaa” ayaan ugu jawaabay.

“Ma hubtaa?” ayay si jeesjees ah iigu tidhi.

“Positive” ayaan ugu jawaabay.

Cabbaar ayaannu kaftan iyo sheeko isu celcelinaynay. Naf kale inay igu jirto ayaan aad u dareemay. Inkasta oo waxoogaa isgiijin ahi igu jirtay, haddana in la iga adkaaday, in aan yarta daba ordo iyo in aan u ooyo midna ma dareemayn. Xilligaas wixii ka dambeeyay xidhiidhkayagu wuxuu noqday mid siman, oo kollay dhankayga aan dareemayo in aan libi iga maqnayn. Waxa aan xidhay baababkii ammaanteeda, waxa aan joojiyay wixii jacayl iyo dareenkiis ahaa, waxa aan noqday nin gabadh ay isyaqaanniin uun la hadlaya.

Dhankeeda ayaad moodaysay in wax ku holcayeen. Maaha inay soo debecday, haddii ay xitaa soo debecdayna kollay iima ay muujin, ee waxa ay bilowday in ay mar walba carrabka la dhacdo nin yidhi tan iyo mid yidhi taas, kaas ma uu ahayn, kii kale, iyo ku hore, aannu saaxiibnay haddana is illownay, mar is barannay mar kalena is barannay. Waxa aan xusuustay heestii Cabdi Aadan Qays markii uu Hadraawi ku lahaa:

“Hadba mid aan bukaan qabin, xadantada ku beertaye, xiisahaagu badanaa, miyaad boqol u qaybsami?”

Kama qasin, barteedaas ha iska shanlaysato oo hadba mid meel jaan ka soo hadlaya nacnacdiisa ha ka dhurto ayaan is idhi.

***

X. Waa dacare soo bood

Negaad waxay baandhayntii ragga ku jirtaba waxa maalintii dambe usoo booday baashihii ay raadinaysay, wiil ay isu quudhay ayay heshay. Iima ay sheegin, aniguna ugama fadhiyin inay ii sheegto, waxa se aan sheekadooda oo dhan kala socday dushaas. Maalintii dambe ayay telefoon iigu soo dhufatay, aad ayay u faraxsanayd:

“Saaxiibkaygii koowaad, ii warran maanta?” ayay igu billowday. Goormaad koowaad noqotay baan uurka iska idhi. Maxay tolow ujeeddaa? Ayaan isweydiiyay.

“Waan wanaagsanahay, muxuu se mukurku yahay?”

“Mukur? Ma haddaad salaantiina mukur ku tilmaantay? Waar caawa maxaad qabanaysaa?”

“Waxba”

“Waan ku soo marayaa siddeedda ee diyaar sii noqo” intay tidhi ayay aniga oo aan jawaabin sii raacisay:

“Waan degdegayaa imikana ee nabadgelyo”

Fallaadh baa beerka toos iiga haleeshay. Waxa aan xusuustay berigii jacaylkeedu igu bilaabmay, hammigii igu shidnaan jiray, wixii aan mustaqbal sii sallaxday, sida aan u naawilay inay gabadh ii dhasho oo wiil ku xigsiiso, magacyadii aan u bixin lahaa, sidaan ula qaadi lahaa, sidaan ula ciyaarsiin lahaa, dugsiga ay geli lahaayeen, sidaan farta Soomaaliga u bari lahaa, noloshayada sida aan u qaabayn lahaa.

Hurgumo meel fog fadhiday ayaa igu soo kacday. Naftii aan dilay ee xadhiga sudhay ee ka takhalusay, ee aan is idhi yaanay kugu soo noqon oo ordaysa ayaa daf isoo tidhi.

***

Dhanka daaqadda ayaan miiska ka fadhiistay. Waxa ay ku adkaysatay inay dalabka samaynayso. Waa sidii ay yeeli jirtay berigii aannu aad isu raaci jirray. Wixii aan cuni jiray oo ay weligeedba qaybsanayd ayay ii dalabtay. Kalluun si hufan loo sameeyay oo dhanaanka, basbaaska iyo macaanka la isu dheellitiray, naftuna aanay ka xaraarad goynayn ayaa la isoo hor dhigay. Iyaduna wax kale oo aanan garanayn ayay dalbatay.

Cuntadii iyo sheekadiiba way isugu kaaya dhacday. Raashinkeedii ayay igu tidhi dhadhami, fooggii ay ku cunaysay ayay hudhmo ku soo qaadday oo afka ii gelisay, sawir degdeg ah oo indhahaygu laabteedii nuuraysay ka qaadeen, neeftii sankeeda ka soo baxday iyo hudhmadii oo iswata ayaan isku wada liqay. Jacaylkii aan meel fog ku hilay ayaa sidii foolkaanada soo qarxay, dabkii iyo holicii ka soo baxay ayaa wadnahaygii toos u gaadhay, aniga oo dareensan ayaa muruqyadii wadnaha ee dhiigga riixayay dhalaaleen oo sidii naxaasta shubmeen oo iyaga oo dareere ah caloosha gunteedii toos ugu darrooreen. Dhidid kuuskuusan baa iga soo booday.

“Are you alright my dear?” ayay igu tidhi.

“Waan u malaynayaa” ayaan ugu jawaabay.

“Miyaad xanuunsanaysaa?” ayay tidhi.

“Maya, waan yara kululaaday” ayaan aniga oo istiilaya ugu jawaabay.

Ha ku noqon meeshii beri wax ka raaceen ayaan is idhi. Dareenka dami, bakhtii dabka kugu shidan. Meel aad raadkaaga dib uga raacdo ma joogtid ayaan ku tashaday. Dookhaygii iyo jacaylkii oo is barkan ayaan dirqi ku muquunshay oo godkii ay ka soo baxeen ku celiyay.

Baabuurkeedii ayaannu soo fuullay. Negaad way sii qurux badnaatay. Markay baabuurkii istaadhay ayay igu soo jeesatay oo gal xidhan oo magacaygu ku qoran yahay ii dhiibtay:

“Ha furin ilaa aad gurigii tagto” ayay igu tidhi.

“Waa hagaag” Intaan idhi ayaan dhabta iskaga qabsaday. Hees aad u macaan oo ay weligeed jeclayd ayaa baabuurka uga baxaysay;

“Ila qaybso noloshoo, kalgacaylka ila qaad” waayo waayo iyo wakhti ii toosnaa ayay heestu i xusuusisay. Ha odhan; ayaan isku afwaajiyay, miyuu wakhtigaasi kuu toosnaa? Mise wuxuu ahaa mid tuuro kuu yeelay?

Siday baabuurkii usoo eryaysay ayay gurigaygii i hor dhigtay. Degdeg bay markaan ka degay u dhaqaaqday, telefoon ay dhegta ku haysay ayaa u diyaar ahaa oo intaanan daaqaddaba xidhin ay hadalkiisii bilowday. Wax isbeddelay daa, ayaan hoosta iska idhi oo gurigaygii galay.

Ma sugin intaan kabaha la baxayay ee galkii ayaan degdeg u furay:

“…………….. waxa ay kugu martiqaadayaan arooska Cabdullaahi Cali iyo Negaad Haybe Afraax oo 14ka Feberweri ka dhicidoona hudheelka Shining Star, West London……”

Kaadhkii aan qoraalka ka akhriyayay ayaan ka dhexbaxay, khadkii xarfaha intaan dhaafay ayaan dhinaca kale iska soo taagay oo qofkii qoray iyo meeshii lagu qoray daawaday. Waa gabadh aanan garanayn, waxa dhinac taagan Negaad oo wax u sheegaysa. Waxa aan is idhi waxa ay u sheegayso bal dhegayso, ma aan fahmin. Cabbaar kolkaan daawanayay ayaan soo baraarugay. Barta qoyaanka ah ee magaca Negaad labada xaraf ee u horreeya ku dul taal ayaan arkay, dhidid? Maya, Ilmada indhahayga ka soo hibitiqaysa ayaan ku war helay. Aniga oo murugo igu soo degtay ayaan meeshii ka kacay oo dhankii madbakha iska qabtay.

Toddobaad ayaa iga xigay maalintii arooska. Feker iyo hammi badan oo wixii aan yeeli lahaa ku aaddan ayaan ka bixiwaayay. Yeel martiqaadka oo ka qaybgal arooska Negaad ayaan talo ku goostay.

Laba maalmood ka hor maalintii arooska ayaan Landhan usii ambabaxay. Waxa aan soo iibiyay hadyad aad u qaali ah, ubax laan keli ah ku yaal oo dhiin ahna waan soo raaciyay. Kaadh yar oo aan eray keli ah ku soo qorayna waan ku soo daray. Aniga oo lebbisan oo hadyaddii ku raran ayaan goobtii aroosku ka dhacayay usoo ambabaxay. Waan istiilayay, dhawr jeer baan ku sigtay in aan suuxo, mararna waxa aan ku fekeray iska noqo, mar walba se waxa i waday hammiga ah mar uun Negaad si fiican ha kuu dhaafto, waxa se ay u dhacday maqluubkii: Anigii baa dhaafay mise waannu isdhaafnay?

***

XI. Waxa aan jeclaa!

Ma og tahay, ma se igu dhaantaa waxa arooskii ku dhammaaday? Ma og tahay, ma se igu dhaantaa Negaad iyo sida xaalkeedu noqday habeenkaas farxadda u lahaa ee aan kaga dhoobaystay? Miyay i hiifaysay?

Waxa aan jeclaa in aan raalligeliyo, waxa aan jeclaa in aan xaal ka siiyo dhiillada aan arooskeedii ku noqday.

Fiiro gaar ah: Bishii May 10, 2008 ayaa qoraalkan lagu baahiyay degalka Redsea-online.com oo aannu ka soo xigannay hadda. 

©️ccc2008 Cabdillaahi Cawed Cige

Comments

Popular posts from this blog

Hees: Hawlaha Adduunyada

MAANSADII AFKU SIRAN EE ABWAAN HADRAAWI